Banaanbax looga soo hor jeedo Ciidamo dagaalamay Oo Magaalada Jowhar ka socda.

0
183

Jowhar(Radio Cadaado);-Magaalada Jowhar Ee Xarun Gobleedka Sh/dhexe waxaa ka socda Banaanbax looga soo horjeedo Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya oo xalay isku rasaaseeyey gudaha Magaaladaasi.

Dadka ku dhaqan Magaalada jowhar gaar ahaan xaafada ay dirita ka dhacday ayaa isugu soo baxay iney muujiyaan sida ay uga xun yihiin in Magaalada Jowhar gudaheeda uu iska hor imaad ku dhex maro Ciidamada Dowladda.

Maamulka Gobolka iyo midka Degmada ayaa la filayaa in ay dajiyaan dadka banaanbaxaya oo ay la hadlaan.

dhawaan Magaalada Jowhar waxaa dib uga furmay wajiga labaad ee shirka Maamulka loogu dhisayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here