Deg Deg:- Gen. Goobaale oo ku dhintay Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Al-shabaab oo sheegtay

0
179

Alle ha u Naxariistee waxaa Goor dhaw Qarax Ismiidaamin ah oo lala Beegsaday Gaarigiisa ku dhintay Gen. Maxamed Jimcaale Rooble Gen Goobaale oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa lagu dhuftay Gaarigiisa oo marayay inta u dhaxeysa Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Xerada Guulwadeyaasha ee Magaalada Muqdisho sida ay noo sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka.

Sidoo kale waxaa Qaraxa ku dhintay Ciidan la saarnaa Gaari,inkastoo aan la sheegin Tiradooda.

Iyadoo Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa uu ku Qarxay Gaari uu saarnaa Taliyaha Guutada Saddexaad  Ee Ciidamada Milatariga Soomaaliya Gen Maxamed Jimcaale Goobaale ayaa waxaa Mas’uuliyada Qaraxaas sheegtay Al-shabaab.

Idaacada Wararka u Faafisa Shabaab Ee Al-andulus ayaa baahisay in Gaari Miineysan oo uu Qof waday uu isku Qarxiyay Gaariga uu la socday Alle ha u naxariistee Gen Goobaale.

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed weli kama hadlin Qaraxa iyo Ciidamada la dhintay Generaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here