Sargaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu Dilay Gobolka Galgaduud

0
164

Koox Hubeysan ayaa Xalay Fiidkii Gurigiisa oo ku yaalla Degaanka Ceel-garas ee Gobolka Galgaduud ku dhex dilay Sargaal ka tirsan Madaxda sare ee Xarakada Al-shabaab oo lagu Magacaabo Faarax Cali Raage.

Faarax Cali Raage ayaa lagu dhex toogtay Hoyga uu ka degan yahay Degaanka Ceelgaras ee Gobolka Galgaduud,waxaana la sheegay in ay Dileen Labo Nin oo Hubeysan,kuwaas oo goobta ka baxsaday.

Dilka Faarax Cali Raage ayaa waxaa noo Xaqiijiyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Al-shabaab weli kama hadlin Dilka Sargaalka ka tirsan ee lagu Toogtay Degaanka Ceel-garas ee Gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here