Waa maxay sababta Madaxweynaha Jabuuti uga maqnaan doono shirka IGAD ee muqdisho?

0
171

Muqdisho–Radio cadaado–Magaalada Muqdisho waxaa ka socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee DOwladda SOomaaliya ay ugu jirto marti galinta shir madaxeedka IGAD ee la filayo inuu muqdisho ka furmo.

Warar horu dhac ah oo laga helayo madaxtooyada dalka Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uusan imaaneyn shirka Igad ee Muqdisho ka furmaya.

Madaxweyne Geelle ayaa la sheegayaa inuu ka cudur daartay imaanshaha Muqdisho.

Waxaa horey loo xaqiijiyey in Madaxweynaha SUdan CUmar Xasan Al Bashiir uusan ka qeyb galeyn shir madaxeedka Igad ee Muqdisho muqdisho ka furmaya.

Lama oga waxa muhiimda shirka ay ka badaleyso maqnaansha Madaxdaasi.

Waxaana suura gal ah in Madaxweynayaasha qaar in ay wakiilo matala ay u soo dirsan doonaan ka qeyb galka shir Madaxeedka IGAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here