Monthly Archives: August 2016

Kulan lagu taageerayay Musharax C/naasir Cabdulle oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Kulan lagu taageerayo Musharaxa xilka Madaxweynaha Soomaaliya C/naasir Cabdulle Maxamed ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo kulanka ay ka qeyb galeen Siyaasiyiin, aqoonyahano, odayaal, waxgarad, Culumaa’udiin, Haween iyo Dhalinyaro. Musharax Dr. C/naasir Cabdulle Maxamed aragtiyo kala duwan ka dhageystay xubnihii ka soo qeyb galay kulanka, isagoo la wadaagay fikirkiisa ku aadan hoggaaminta dalka Soomaaliya. Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ...

Read More »

QM oo soo dhoweysay ansixinta madaxweyne Xasan Sheekh ee Guddiga Ilaalinta xuquuqda aadanaha

Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweysay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka oo uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somaliya Danjire Michael Keating ayaa  sheegay inuu sharcigaan inuu awood u siinaayo dowladda Somaliya ilaalinta xuquuqda Aadanaha iyo ka hortagga tacadiyada lagu la kaco qaybaha Bulshada. “Waa war ay ku farxaan Somalida, waxaan ugu hambalyeynaa ...

Read More »

Madaxweynaha Galmudug oo Gaalkacyo kula kulmay Saraakiisha Danab

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Magaalada Gaalkacyo kula kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska ah. Madaxweyne Guuleed iyo Saraakiisha Ciidamada Danab ayaa ka wada hadlay sidii wada shaqeyn buuxda ay u dhaxmarilaheyd Maamulka Galmudug iyo Ciidamada Danab ee Howlgalka ka wada Magaalada Gaalkacyo. Duqa Degmada Gaalkacyo ee ...

Read More »

Cudurka dabeesha oo lagu arkay Nigeria

Dalka Nigeria, cudurka dabeesha ayaa laga helay gobolka Borno, waxaana arrintaasi ay abuurtay walaac laga qabo cudurkaasi qaaradda oo dhan. Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegaysa in dowladda Nigeria ay ogaatay labo caruur ah oo uu curyaamiyay cudurkan, gaar ahaanna gobolka Borno. Gobolkaasi ayaa waxaa saameyey dagaalka ay waddo kooxda Boko Xaaram. Wasaaradda caafimaadka ee dalka Nigeria waxa ay ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya oo diidan Qodob ka mid ah Heshiiskii Madasha

Raiisal Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa ka biyo diiday qodobka ka hadlaya saami qaybsiga kuraasta Aqalka sare ee khuseeya Xubnaha Somaliland. Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay inay arrintaasi ahayn mid ay ku qanci karaan, wuxuuna madasha hoggaamiyayaasha ugu baaqay inay dib u eegaan qodobkaas. Diidmada Qodobkaas uu ka soo horjeestay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cumar ...

Read More »

Daawo Sawirada;-Munaasaba furitaanka sanad dugsiyeedka 2016=2017

Munaasaba Lagu sagootinayay ardada kaqalin jabisay schoolka imaamu maalik laguna faraya schoolka ayaa galabta kadhacday gudaha schoolkaasi munaasabada oo ay kaqayb galeen masuuliyiin kasocota wasaarada waxbarashada galmudug iyo dagmadaba ayaa laga soojeedshay qudbado qaatay saacado. waxaan kamida ahaa dadkii kahadlay goobta sh. guuley kaynaan oo ka mid ah waalidiinta ardadu udhigato schoolka. waxaasidoo kale goobta kahadlay maamulaha imaamu maalik sh.xasan ...

Read More »

Diyaaradda Air Jabuuti oo muddo 14 sano kadib bilowday duulimaad rakaab ah (Sawirro)

Shirkadda Diyaaradaha ee Air Jabuuti ayaa dib u bilowday duulimaadkeeda rakaabka, kadib markii diyaarada ay shaqadeeda joojisay sanadkii 2002. Diyaaradda Air Jabuuti oo lagu naaneyso diyaarada badda cas ayaa la aas aasay sanadkii 1963, waxaa ay ka mid aheyd shirkadaha diyaaradaha ee ugu weyn Qaaradda Afrika. Sanadkii 2015 ayay aheyd markii diyaarada Air Jabuuti ay bilowday duulimaad dhinaca xamuulka, hase ...

Read More »

DHAGEYSO;-Madaxwyne kuxigeenka galmudug oo cadaado soogaaray

madaxwyne kuxigeenka galmudug oo cadaado soogaaray ayaa waxaa uu kawarbixiyay shirkii madasha oo uu uga sooqayb galay magaalada mudisho waxaan uu sheegay in magaalada cadaado uu dhawaantaan kabilaaban doono olo olaha doorasho  asagoona sidoo kale sheegay in cadaado dhawaan lakeene doono ciidamo amisoon ah kuwaasi oo sugi doona amniga inta doorashadu socoto

Read More »

Ciidan ka tirsan Khaatumo oo ku biiray Somaliland”Sawiro

Ilaa 260 Askari oo kamid ahaa Ciidanka Maamulka Khaatumo ayaa si toos ah ugu biiray Maamulka Somaliland, kadib munaasabad Iagu qabtay deegaanka carawayn oo 45 km u jirta Magaalada Buuhoodle. Waxaa ka qeyb-galay kulanka wasiirka gaashaandhiga Maamulka Soomaaliland iyo saraakiil Somaliland ka socday waxaa sidoo  kalena ka qayb galay  Wasiir xigeenka boostada Cismaan Garad Soofe oo kasoo shaqeeyay sidii 260 Askari ...

Read More »