Monthly Archives: August 2016

Deg Deg :: Daawo Muuqaalo Dheerad ah Qarax Dad Badn ay ku Dhinteen oo Maanta Gaalkacyo ka Dhacay

Wariyaal gaaray Xarunta Dowladda Hoose ee Puntland ee Weerarka lagu qaaday ayaa soo qaaday sawiro   ku aadan Saameynta Qaraxyadii ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland. Ururka Al-Shabaab aya la shegaya in Qaraxaasi in ay ka Danbeeyaan inkastoo wali ayasn ka Hadlin Al.Shabaab Qaraxaasi ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo Waxaa Sawirada ka Muuqda Burburka aad u weyn oo Qaraxyadaasi ay ...

Read More »

DHAGEYSO: Madaxweynaha Soomaaliland oo ku wajahan Gobolka Sool

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saakay lagu wadaa in uu gaaro deegaano ka tirsan gobolka Sool. Madaxweynaha Soomaalilnad ayaa isaga iyo wafdigiisa waxa ay magaalada Laas-caanood ay kulamo kula qaadan doonaan xubno ka tirsan Maamulka Soomaaliland oo horey halkaasi u gaaray. Madaxweynaha Soomaaliland ayaa shalay gaaray gobolada Bari waxaana uu kulamo la qaatay bulshada iyo waxgaradka ku dhaqan halkaasi. Wasiirka ...

Read More »

Muuqaal argagax geliyay caalamka oo lagu soo bandhigay baraha bulshada iyo shabakadaha warbaahinta

Sawirka wiil siigo iyo dhiig ay jirkiisu qariyeen oo laga soo badbaadiyay burburka dhisme ku yaal magaalada Aleppo ee dalka Siiriya kadib markii ay diyaarado duqeeyeen ayaa walwal iyo argagax geliyey caalamka oo idil. Muuqaalka sawirka ee wiilkan oo dhex fadhiya gaari ambalaas ah ayaa waxa baraha bulshada soo dhigey qaar kamid ah ururada u dooda shacabka dalka Siiriya. Sawirkan ...

Read More »

DHAGEYSO;-Shirkii Golaha Wasiirada galmudug oo Logahadlay maanta Arimo Aykamidyihiin Amaanka iyo Deeq macaawinaa oo turkigu ugu talagalay galmudug

kulanka golaha wasiirada galmudug oo uu shir gudoominayay madaxweyne kuxigeenka galmudug maxamed xaashi cabdi ayaa waxaa madaxweyne kuxigeenka warbixin looga dhagaystay ku aadan shirkii madashe ee kusoogaban gaboobay magaalada mudisho. markii uu soogbab gaboobay shika ayaa waxaa lahadlay warbaahinta lahadlay wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta galmudug daahir faarax fiidow. Halkan Kadhagayso Codka  

Read More »

Deg Deg:- Ciidamada Ammaanka oo Nolol iyo Geeri raadinaya Nin ku dhacay Warta-Siigaale

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Nolol iyo Geeri raadinaya Nin Maanta ku dhacay Haro biyo Fariistaan oo loo yaqaano Warta-siigaale islamarkaana ku taala Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Noo sheegay in Ninka uu Harada ku dhacay Abaaro Lixdii Duhurnimo ee Maanta islamarkaana illa hadda Nolol iyo Geeri  intaba la layahay. Waxaana hadda Ciidamada Ammaanka ...

Read More »

DEG DEG:- Labo Qarax oo Waa weyn oo ka dhacay Dalka Turkiga

Laba Qarax baabuur Loo adeegsaday ayaa lagu weeraray saldhigyo boliis ee magaalooyin Turkiga, iyadoo ay ku dhinteen lix qof, ayna dhaawacmeen ugu yaraan 219 oo kale. Weerarkii koowaad ayaa la beegsaday saldhig booliis oo ku yaala magaalada Van, iyadoo ay ku dhinteen hal boliis iyo laba rayid ah. 73 qof ayaa ku dhaawacmay. Saacado ka dib, saldhig boliis oo ku ...

Read More »

DHAGEYSO:- Maamulka Somaliland oo baaq u dirtay shacabka ku nool Magaalada Buuhoodle, uguna yeertay iney ka soo baxaan Khaatumo

Iyadoo dhawaan ay maamulka Khaatuma Shaaciyeen in ay wadahadal la galaayaan maamulka Soomaliland ayaa maanta magaalada Buuhoodle  waxaan gaaray madax ka tirsan maamulka Somaliland oo uu ka mid yahay wasiirka Caafimaadka maamulka Somaliland. Wasiirka Caafimaadka Maamulka Somaliland Saleymaan Ciise Xaglatoosiye ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle oo  xarun u ah maamulka Khaatuma. Wasiirka ayaa sheegay u jeeda ...

Read More »

DEG DEG: Xiisad Ka Taagan Duleedka Balibusle

Ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa isku hor fadhiya duleedka deegaanka Balibusle ee Gobalka Mudug, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Puntland iyo Galmudug ayaa la sheegay iney Ciidamo badan geeyeen Ceel la helay oo qiyaastii 20-KM dhinaca Koonfureed uga beegan deegaanka Balibusle. Goob-jooge ku sugan Ceel la helay ayaa warbaahinta  u sheegay in Ciidamada labada dhinac ay aad isugu ...

Read More »

Wasaaradda Gaashaandhigga oo War saxaafadeed ka soo saartay howl gallo ka dhacay Jubadda Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa goor dhow war saxaafadeed ka soo saaray howl gallo qorsheysan oo Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Kumaandooska loo yaqaano Danab ka fuliyeen Jubadda Dhexe. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in howl gallada laga sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Jubadda Dhexe, sida Sunguuni, Jilib iyo Saakow. Howl galka hore ayay sheegtay in laga sameeyeen deegaanka Sunguuni, ...

Read More »

Duqii hore ee Muqdisho oo maanta geeriyooday ayaa galabta aas la aasay (Sawirro)

Allaha u naxariistee waxaa galabta lagu aasay magaalada Muqdisho Axmed Muude Xuseen oo soo noqday Duqii Magaalada Muqdisho sanadihii 1958-1963. Aaska Marxuum Axmed Muude Xuseen ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha Cadaaladda Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo horay u soo noqday Duqa magaalada, Duqa Magaalada Muqdisho ee xilligan Yuusuf Xuseen Jimcaale, Duqii hore ee Maxamed Cismaan Dhagaxtuur, Xuseen Cali ...

Read More »