Monthly Archives: August 2016

Deg Deg:- Qarax Culus oo lagu Weeraray Xeebta Liido

Weerar Qarax ku Biloowday ayaa Goor dhow  lagu qaaday Mid ka mid ah Hoteelada ku yaala Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in loo Adeegsaday Gaari,kaas oo ku Qarxay inta u dhaxeysa Kawaanka Malaayga Ee Xeebta Liido iyo Hotel  la yiraado Kokaneyd oo halkaa ku yaala. Rasaas ayaa ka dhaceysa Goobta uu Qaraxu ka dhacay. Faah-faahinta dib ...

Read More »

Puntland oo amar kasoo saartay gaadiidka rarka ka keena koonfurta Soomaaliya(Akhriso+Dhegeyso)

Garowe-( Radio Cadaado)-Madaxwayne ku xigeenka dawlada Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ayaa soo saaray warqad wareegto ah taas oo lagu xusay in laga bilaabo 1/9/2016 ay joojisay dawlada Puntland gadiidkii Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka imaanayey ee sida tooska ah  ugu kala gudbayey guud ahaan dalka. Afhayeenka Madaxwaynaha dawlada Puntland mudane C/laahi Maxamed Jaamac Quraan-Jeceloo oo Waraysi siiyey ...

Read More »

Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka soomaliya oo gaalkacyo soo gaaray

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa gor dhow soo gaaray magalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ujeedka socdaalka gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka soomaaliya ayaa waxaa uu ku sheegay sidii u qiimeyn lahaa qasaaraha ka dhashay qaraxii dhawaan ka dhacay waqooyiga magalada gaalkacyo iyo kaalinta dowlada soomaaliya ay ka geysanayso dadkii ku dhaawacmay

Read More »

Guddoomiyaha Bangiga dhexe oo Qiray in Lacag laga Xaday Bangiga

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali, ayaa sheegay in Bankiga laga xaday lacag dhan Shan boqol iyo Soddon Kun oo Doollarka Maraykanka ah, $ 530,000. Guddoomiyaha Ayaa intaa ku daray inay haatan socdaan baaritaanno lagu ogaanayo cidda la baxday lacagahaasi, sharcigana lala tiigsan doono ciddii lagu helo ku lug lahaanshaha arrintaasi. Madaxda sare ee dalka Soomaaliya ayaa ...

Read More »

Gen. Maxamed Cali Samatar oo Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho iyo Madaxda Sare ee Dowladda oo ka qeyb galay

Allaha u naxariistee waxaa Goor dhaw Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Aas Qaran loogu sameeyay Marxuun Sareeye Guud Gen. Maxamed Cali Samatar oo Maanta Meydkiisa la keenay Magaalada Muqdisho. Aaska Qaran ee loo sameeyay Gen. Maxamed Cali Samatar ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya,Guddoomiyaha Baarlamaanka,Ra’iisul Wasaaraha, Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda,qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboledyada iyo Saraakiil ...

Read More »

C/wali Gaas oo inuu Gaalkacyo tago ka doortay Turkiga Maxay tahay Sababtu?

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi la socda oo Maalmahaan ku sugnaa Itoobiya ayaa u dhoofay Wadanka Turkiga sida ay shaacisay Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu Casuumaad ka helay Dowladda Turkiga islamarkaana uu halkaa u Duulay,iyadoo lagu waday inuu tago Magaalada Gaalkacyo oo ay dhawaan ka dhaceen Qaraxyo Is xig xiga. ...

Read More »

Halkee ku dambeyey Raashinkii Turkigu ugu deeqay Galmudug?

Wa su’aal dad badan oo is weydiinayaan, halkee ku dambeeyey raashinkii Turkigu ugu deeqay dowlad goboleedka Galmudug?. Raashinkan Turkigu ugu deeqeen Soomaaliya ayaa waxaa Galmudug kaga soo aaday 1200 Ton, una dhiganta 24,000 kiish, oo isugu jira bur iyo sonkor, waxa uuna 4 Agoosto 2016 ka soo dagay dekada Boosaaso, isagoo gawaaridii raashinkan waday ay magaalada Galkacyo soo gaareen 7 ...

Read More »

Gabdho Soomaaliyeed oo lacag kaalma ah gaarsiiyay dadkii ku dhaawacmay Gaalkacyo (Sawirro)

Gaalkacyo ( Radio Cadaado):- Gabdho Soomaaliyeed ayaa booqday xarumaha caafimaadka ee lagu dabiibayo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Gabdhahaan oo ka socday Ururka Hormarinta Arrimaha Buslada deegaanka Bursaalax ee Read Horn Of Afric, ayaa dhaawacyada gaarsiiyay lacago kaalmo ah oo ay iska soo aruuriyeen. Maamulayaasha xarumaha Caafimaadka ee dhaawacyada lagu dabiibayo ayaa Gabdhaha ...

Read More »

Dag dag: dhagayso Ehlusuna Oo beenisay in uu Katirsanaa Sarkaal iskusoodhiibay Galmudug

Iyadoo Maanta Sarkaal Katirsan Ehlu Suna Uu Isku Soodhiibay Maamulka Gal.Mudug Ayaa Arinkaas Waxaa Kahadlay maamulka Gobolada Dhaxe Ee Ehlu Suna, Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Maamulka Gobolada Dhaxe Ee Ehlu Suna C/llaahi Cabdi Ayaa Beeniyay Inuu Jiro Sarkaal Katirsanaa  Ciidankooda Oo GalMudug Isku Dhiibay  ( Adeer  C/risaaq Cali Tubaako  Ma Ahan Sarkaar katirsan Maamulka Gobolada Dhaxe Ee Waa Ruux Shacab Ah ...

Read More »