Rasmi: Kooxda Arsenal Oo Xaqiijisay Saxiixa Daafaca Shkodran Mustafi.

Kooxda Arsenal ayaa ku dhawaaqaday saxiixa daafacii kooxda Valencia iyo xulka qaranka Germanye ee Shkodran Mustafi.

24 jirkan reer Germany ayaa horyaala Spain ku qaatay 2 sano isaga oo u saftay 64 kulan oo horyaalka La Liga Ah isaga oo ka bilaabay kubada cagta kooxda Everton ka hor inta uuna ku biirin kooxda Sampdoria.

Shkodran oo haatan ku maqan waajibaadka xulka qarankiisa Germany ayaa kooxda Arsenal kula biiray xagaagan xiddigaha  Lucas Perez, Granit Xhaka,Rob Holding,Takuma Asano iyo Kelechi Nwakali oo dhamaantood ku soo biiray kooxda Gunners.

“Kooxda Arsenal ayaa ku faraxsan in ay ku dhawaaqo saxiixa daafaca xulka qaranka Germany ee Shkodran Mustafi oo kooxda uga soo biiray kooxda reer Spain ee Valencia”.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*