Lucas Pérez Oo Daboolka Ka qaaday Goorta Ay Xariirka Bilaabeen Arsenal.

Weeraryahanka cusub ee Arsenal Lucas Perez ayaa tilmaamay in ay bilawgii suuqa oo ahaa labo bilood ka hor xiriir ay lasoo sameeyeen Masuuliyeen ka socota Arsenal.

Weeraryahankan reer Spain ayaa manta oo talaado ah dhamaystiray heshiis £17m ah uu ugu biiray kooxda Gunners, laakiin Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xiisaynaysay tan iyo bishii July.

“ waxaa jiray xiriir la ila soo sameeyay markii uu furmay suuqa” Lucas ayaa yiri

“sida cad kubada Cagta, kooxuhu marka hore qiimayn ayay ku samaynayaan si ay u ogaadaan waxa ay kaa rabaan ka dib ayay xiisahooda soo bandhigayaan”

Perez ayaa sii racsaday “ marka uu soo dhawaado xiritaanka suuqa wax walbe dhakhso ayay u dhacayaan”

“aad ayaan ugu farxay markaan maqlay in ay Arsenal I xiisaynayso, aad ayaan u rajaynayay in aan fursad uhelo inaan imaado halkan”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*