Kooxda Tottenham Hostpur Oo Isku Diyaarinaysa In Ay Dalab Ka Geyso Weeraryahan U Ciyaara Newcastle United.

0
49

Kooxda Tottenham ayaa markaan bartilaameedsanaysa xidiga khadka dhexe ee kooxda Newcastle iyo Xulka France Moussa Sissoko si ay kooxdooda xagaagan ugu xoojiyaan.

Laacibkan ayaa dhawr jeer ka dhawaajiyay in uu doonayo inuu Newcastle ka tago, isagoo ka mid ahaa xidigihii aadka uga dhex muuqday koobkii Euro 2016-ka ka qabsoomay France.

Kooxda tottenham ayaa ku soo hungowday dalab ay Crystal Palace kaga doonayeen Wilfried Zaha, ka dib markii ay ku heshiin waayeen Lacagta lagu iibsan karo xidigaan.

Ugu danbayn Kooxda Spurs ayaa kala heshiin doonta Magpies saxiixa xidigaan, kaas oo lagu qiyaasay in 25 million lagu burburin karo heshiiska uu kooxdiisa kula jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here