Gabdho Soomaaliyeed oo lacag kaalma ah gaarsiiyay dadkii ku dhaawacmay Gaalkacyo (Sawirro)

0
584

Gaalkacyo ( Radio Cadaado):- Gabdho Soomaaliyeed ayaa booqday xarumaha caafimaadka ee lagu dabiibayo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Gabdhahaan oo ka socday Ururka Hormarinta Arrimaha Buslada deegaanka Bursaalax ee Read Horn Of Afric, ayaa dhaawacyada gaarsiiyay lacago kaalmo ah oo ay iska soo aruuriyeen.

Maamulayaasha xarumaha Caafimaadka ee dhaawacyada lagu dabiibayo ayaa Gabdhaha u mahadceliyay, iyagoo dadka kale ku codsaday iney ku daydaan oo taageeraan dhaawacyada.

Deeqo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay iney lacagahaan ugu tala galeen dadkii ku dhaawacmay qaraxyaddii Gaalkacyo, si ay u helaan daawooyin iyo adeegyo dheeraad ah.

Qurba-joogta iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ayay ka codsadeen iney u sitaagaan sidii ay u caawin lahaayeen, dadka ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambeyntii Sureer Maxamuud oo Gabdhaha kaalmada iska soo aruuriyay ayaa codsaday in loo istaago sidii loo taageeri lahaa dhaawacyada Isbitaalka bur burayna loo dhisi lahaa.

Halkaan ka daawo sawirro

IMG_3590IMG_3574IMG_3421IMG_3402IMG_3398IMG_3382IMG_3378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here